Waxa ay gaadhay wakhtigii isbeddelka. Akhri sida waxyaalaha aanu mudnaanta siinayno marka aanu sharci dajinayno ay faa’ido ugu leeyihiin adiga iyo qoyskaaga. Ku qaado in ka yar 1 daqiiqo si aad ugu dirto iimayl hore u qoran matalahaaga. Muuji taageeradaada aad taageersan tahay sinnaanshiyaha iyo helidda khayraad inta laga soo kabanayo Covid-19. 

Daryeelka Bulshadeena

Wacyigelinta iyo Waxbarista COFA Medicaid SB 706

Waxa uu ku dhawaaqayaa xaalad degdeg ah waxaana uu ka codsanayaa Maamulka Caafimaad ee Oregon inay siiso deeqo ururada ujeedadeedu tahay in samaynta wacyigelin loo samaynayo dadka Oregon kuwanoo ah muwaadiniinta COFA si ay isugu diiwaan geliyaan caawimo caafimaad.

Daryeelka Ilmaha ee loogu talo galay Oregon HB 2503 & SB 239

Waxa aanu dhisaynaa barnaamijka daryeelka caruurta oo gaar ah kanoo diiradda saari doona hooyooyinka, caruurta iyo daryeel bixiyayaasha BIPOC si markaasi:

  • Dib loogu cusboonaysiiyo barnaamijka hadda jira ee Daryeelka Xanaano Maalmeedka ee La Xidhiidha Shaqada

  • Midaynta dhammaan barnaamijyada xanaanada caruurta iyadoo la hoos keenayo hal hay’ad tanoo hubin doonta in ay yihiin kuwo qarash ahaan la awoodi karo iyadoo lagu xaddidayo qarashkooda 7% dakhliga qoyska iyo inaad bixiso marka aad isdiiwaan gelinayso, in la kordhiyo u dabacsanaanta iyo u adeegga waalidiinta si ay u isticmaali karaan wakhtiyada ka baxsan saacadaha shaqada.

  • In la ballaadhiyo xanaanada caruurta si ay u helaan caruurta oo dhammi iyadoon loo eegayn darajo lana ilaaliyo u qalmidda ugu yaraan sannad.

Dadka Oregon oo dhammi waxay weli dhib ka waajahayaan bixinta biilasha, inay ka ilaaliyaan guryahooda qiiqa ka imanaya dabka duurka, waayayna dakhligooda tanoo ay sabab u tahay safmarka COVID-19 ee socda iyo cimilada isbeddeshay qalalaasaha ay keentay. Sidaa awgeed, waxa aanu iskugu yeernay wada-hawlgalayaashadayada si aanu u yarayno biilasha tamarta, u taageerno casriyaynta guryaha si loo ilaaliyo caafimaadka qoysaska, iyo in laga abuuro shaqooyin fiican mashaariicta tamarta ee aan wasakhaynayn hawada Oregon oo dhan:

Awooditaanka Qarashka Tamarta Oregon HB 2475

Waxa ay siinaysaa Guddida Adeegyada Bulshada (Public Utilities Commission) awoodda ah inay u oggolaadaan adeegyada inay bixiyaan sicirro kala duwan, sida qiimo dhimis, kanoo yaraynaya qarashka dhaqaale ee dhanka tamarta ah ee saaran qoysaska dakhligooda yaryahay iyo macaamiisha kale ee adeegyada gaadhaya ay yaryihiin. Ururada matalaya dadka ay sida wayn u saamayso qarashka dhanka tamarta ahi waxa ay awood u yeelan doonaan inay helaan maalgelin si ay uga qaybqaataan nidaamyada sharci dejineed si la mid ah sida ay uga qayb qaataan kooxaha kale ee macaamiisha ahi, sida Guddida Adeegyada Muwaadiniinta (Citizens’ Utility Board).

Guryo Caafimaad leh HB 2842

Waxa uu u qaybiyaa deeqo dawladaha hoose, maamulada guriyaynta ee maxalliga ah, ururada aan macaash doonka ahayn, qabiilada ay aqoonsan tahay federaalku ama bulshada ee gobolkan si loo caawiyo qoysaska dakhligoodu yar yahay ama bulshooyinka sinnaanta ee deegaaneed iyadoo dib loo hagaajin lagu samaynayo guryahooda dib u habayna lagu samayno iyadoo sidoo kale la hubinayo wada shaqaynta hay’adaha qabanaya shaqooyinka lagu hormarinayo guryaha.

Helitaanka Dhammaan Tamar aan Wasakh Lahayn HB 2995

Waxa uu abuuraa shuruud lagu dhelinayo tamar aan wasakhaynayn hawada 100% iyadoo la codsanayo waxyaalaha soo socda:

  • In la dhaliyo iyadoo la isticmaalaayo khayraad dib loo cusboonaysiin karo ama qiiq la’aan ah

  • Kordhisa faa’idooyinka bulshadu ka helayso sida shaqooyinka iyo u adkeysiga

  • In laga saaroba meesha dhuxusha 2025ka

  • Waxa ay ku waajibinaysaa adeegyada inay ka dhaliyaan qayb ka mid ah tamarta ilo faa’ido u leh bulshada sida mashaariicda kaydinta solarka

  • Waxa ay ku waajibinaysaa adeegyada in ay maalgeliyaan adkaysiga iyo sii jiritaanka qaabka qaybinta tamarka iyo bulshooyinka Oregon

  • Xeerar shaqo oo aad u adag in loo sameeyo mashaariicda tamarta la cusboonaysiin karo

Dhisidda Dimoqraadiyada Loo Siman Yahay

APANO waxa ay sii wadaa inay halganto si markaasi bulshooyinkeenu u helaan xuquuqda, khayraadka iyo aqoonsiga aynu mutaysano. Siyaasadahani waxa ay inoo dhawaynayaan inaynu hore ugu tallaabsano dunida aynu sawirinayno inay noqoto mid waaqici ah:

Ballaadhinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Ootomaatigga ah HB 2499

HB 2499 waxa uu gaadhsiinayaa diiwaangelinta codbixiyayaasha ee ootomaatigga ah Maamulka Caafimaadka ee Oregon iyo hay’ad kasta oo gobol oo uu u magacaabo badhasaabku.

Xeerka U Sinnaanshiyaha Helitaanka Codbixiyayaasha HB 2745

HB 2745 waxa uu waajibinayaa in kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo bogagga diiwaangelinta codbixiyayaasha ee elekteroonigga ah inay qayb ka ahaato awoodda ay codbixiyayaasha Oregon ku calaamadiyaan xogta deegaameed ee ikhtiyaariga ah oo ay ka mid tahay: qoloda, isirka iyo luuqada aad doorbidayso.

Soo Celinta Xuquuqda Codaynta SB 571 & HB 2366

SB 571 waxay sharci ahaan ku waajibinaysaa in dadka reer Oregon ee ku jira xabsiyada ay ka codayn karaan meelaha laga xukumay.

HB 2366 waxa uu u oggolaanayaa dadka dambi lagu xukumay inay is diiwaan geliyaan si ay u codeeyaan, cusboonaysiiyaan diiwaangelinta codbixiyayaasha codkoodana dhiibtaan marka ay jeelka ku jiraan. Waxa uu caddaynayaa halka qofku daggan yahay inay tahay meesha qofku dagganaa ka hor intaa aan jeelka la gelin. Waxa uu hirgelayaa maalinta 91aad ee ku xigta dib u dhigga aan xadidnayn.

Ka saarista Faqradda Ka Reebnaanshiyaha Addoonsiga ee ku qoran OR SJR 10

SJR 10 waxa uu soo jeedinayaa in wax laga beddelo Dastuurka Oregon kanoo mamnuucaya addoonsiga iyo u adeegga aan mutawaadacnimada ahayn xaalad kasta.

Qodobka Ka Hirgelinta Gobolka oo Dhan Darajaynta Ikhtiyaarada Codaynta HB 2678 & SB 791

Darajaynta Ikhtiyaarada Codaynta (RCV) waxa ay u oggolaataa dadka inay u kala darajeeyaan musharrixiinta sida ay u kala doorbidayaan. Si uu u guulaysto, musharraxu waa inuu helaa in ka badan 50% codadka. Haddii musharraxna heli waayo 50%, waxa la samaynayaa “instant runoff” iyadoo markaasi musharraxa kaalinta u dambaysa ku jiraa codkiisii dib loogu tirinayo qofka labaad ee ay codeeyayaashu doorteen.

HB 2678 waxa uu u keenayaa RCV Oregon iyadoo

  • Lagu Isticmaalaayo RCV dhammaan doorashooyinka xisbiga gudihiisa ee lagu dooranayo musharrax matala xisbiga iyo

  • Ku beddelka doorashooyinka xisbiga aan xisbiyada xidhiidhka la lahayn iyo doorashooyinka guud ee RCV ee Noofambar (marka laga reebo degmooyinka xeerarkooda u gaarka ah hirgeliya)

Xuquuqda Soo Galeetiga

Haajiriddu waa mid udub dhexaad u ah sheekada bulshadayada API waa inaynu sii wadnona inaynu u halgano si qofkastaaba u helo guri aamin ah:

Hirgelinta Caddaaladda HB 2205

HB 2205 waxa uu wakiilanayaa xog faafiyayaal si ay markaasi tallaabooyin sharci uga qaadi karaan shaqaalaha jabiya xeerarka shaqada iyagoo gobolka matalaya, haddii Xafiiska Shaqaalaha iyo Warshadaha (BOLI) ay awoodi waayaan.

Matalaadda Sharci ee Guud HB 3230 waxa ay gaadhsiinaysaa adeegyada sharciga ah dadka reer Oregon ee khatarta ugu jirta in la mustaafiriyo iyadoo la isticmaalaayo matalaad layska kaashanaayo oo ay hirgelinayaan garyaqaanada bulshada iyo awoodsiinta macmiilka.

Waxbarashada

Intii lagu gudo jiray safmarka COVID 19, sinnaan la’aanta nidaamkeena waxbarasho waxa ay ahaayeen kuwo soo shaacbaxay oo la wada arkay. Hadda waa inaynu taageerno siyaasado adag si sinnaanshiyo la’aanta meesha looga saaro:

U sinnaanshiyaha waxbarashada ee COFA HB 2496 & SB553

HB 2496 & SB553 waxa ay u oggolaanaysaa muwaadiniinta COFA inay bixiyaan lacagta waxbarashada ee gobolka halka ay ka bixin lahaayeen lacagta waxbarasho ee gobollada kale marka dagganaanshiyihiisa Oregon la xaqiijiyo.

2021 Wada-hawlgalayaasha Oregon ee Ajandaha Sharciyeynta Caddaaladda Waxbarashada

Ku Dhisan Xeerka Guusha Ardayga si uu Aasaas ugu Noqdo Sinnaanshiyaha SB 5513

La Xisaabtamidda Nidaamka Waxbarasho ee Dadweynaha Ardayda oo Dhan HB 2056 & SB 227

APANO waxa kale oo ay ku sharfan tahay inay taageerto:

LC 2690 Sanctuary Promise Act
HB 2825 Survivor-Defendant bill
HB 2544 Youth Homelessness
HB 2835 Food Security for Students
HB 2528 Oregon Dental Access
HB 2359 Interpretation Accountability Act
HJR 11 Same Day Voter Registration
SB 755 Health Justice Recovery Alliance
HB 2169 Justice for All
SB 282 Tenant COVID protection
U Halganka Qaabka Dib U Deegaamaynta ee Loo Siman Yahay
Waxa aanu sidoo kale ku faraxsanahay inaanu taageerno ajandaha Fairshot Coalition. Ka baro wax dheeraad ah adigoo galaya fairshotoregon.org.
Ka baro wax dheeraad ah oo ku saabsan Wada-hawlgalayaasha Oregon 2021 ee u wada hawlagalaya ajandaha Sinnaanta Waxbarasho adigoo galaaya betteroregon.org.

Xidhiidhada

Marchel Hirschfield, Agaasimaha Siyaasada

APANO waxa ay midaysaa Aasiyaanka iyo dadka daggan Jasiiradaha Baasifigga si loo dhiso awood, loo soo saaro hoggaamiyayaal, loona hirgeliyo sinnaanshiyo iyadoo markaasi la abaabulayo, loo doodayo, bulshada horumarkeeda iyo dhaqanka.

Farriintan barnaamijka waxa kuu soo dirtay APANO, a 501c4 urur aan macaash doon ahayn.